Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in cuno qabatayno cusub la saaro Kuuriyada Woqooyi taas oo ay ku galabsatay barnaamijkeeda gantaalaha.
Qaraarkani wuxu Kuuriyada Woqooyi ka mamnuucayaa wax dhoofinta waxaanu xadidayaa maalgashiga dalka, waxaanu meel maray qaraarkani iyada oo aan cidina diidmada qayaxan kaga hor iman.
Pyongyan waxay bishii Juulaay tijaabisay laba gantaal oo nooca Ballistic-ga ah, waxaanay sheegtay in ay awood u leedahay in ay gantaalaheeda gaadhsiin karto dalka Maraykanka oo dhan. Hase ahaatee tijaabooyinkaas aad ayaa loo cambaareeyey.
Khubarada gantaalaha ayaa se aan rumaysan in ridada gantaalaheedu gaadhi karaan goobaha ay Kuuriyada Woqooyi sheegtay.
Tijaabooyinkaa waxa cambaareeyey Kuuriyada Koonfireed, Japan iyo Maraykanka waana ta keentay in qaraarkan cuno qabataynta ah ee cusub Qaramada Midoobay soo saarto.
Waxyaabaha dhaqaaluhu ka soo galo Kuuriyada Woqooyi waxa ka mid ah birta, dhuxul dhagaxda iyo macdano kale oo ay u dhoofiso Shiinaha.