DAAWO SAWIRRADA: Dhismaha Dekadda Hobyo oo laga Shiray

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay masuuliyiin ka socday dowladda Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa Mas’uuliyiintii ka socotay dowladda Shiinaha kala hadlay dhismaha Dekedda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxda Shirkadda ee uu la kulmay Xaaf ayaa horay Madaxweynihii Hore ee Galmudug kaga codsaday in ay maalgashadaan Dekedda Hobyo, laakiin waa uu ka diiday.

Madaxweyne Xaaf ayaa xoogga saaraya sidii maalgalin loogu heli lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.