Dagaal Culus oo xalay ka dhacay Marka

Wararka Ka imaanaya Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa Waxaa ay sheegayaan in Halkaasi uu xalay ka ka dhacay Dagaal aad u culus oo u dhaxeeya Laba Maleeshiyo Beeleed.

Qaar ka mid ah dadka kunool Marko oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu dagaalku xooganaa, islamarkaana uu socday Muddo saacaddo ah.

Xaafado dhowr ah ayaa la sheegayaa in uu dagaalka sameyn ku yeeshay,kuwaa oo ay ka mid yihiin Buulo Jaan,Buufoow iyo Ayuub oo Magaalada Marka ka wada tirsan.

 Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga ayaa la sheegayaa in uu hakad ku jiro iyada oo Dadku ay ku jiraan Guryaha,islamarkaana aysan u suuragalin in ay ka barakacaan Xaafadaha lagu dagaallamayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Marka , waxaa ka socday dagaal beeleedyo xooggan.