Qalbi Dhagax oo ku wajahan Galmudug iyo Puntland

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa shaaciyay in uusan imaan doonin Magaalada Muqdisho, sababtuna ay tahay in uusan dooneyn in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qalbi Dhagax ayaa hadda ku sugan Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxaana uu sheegay inuu dhawaan booqan doono Puntland iyo Galmudug oo ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya.

“Waxaan doonayaan safarkeygan Hargeysa kaddib inaan booqdo Boosaaso oo ka tirsan Puntland, halkaasoo aan kula kulmi doono madaxda maamulka, sidoo kalena waxaan booqanayaa maamulka Galmudug,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.