Q.M oo cambaareysay weerarkii qaxootiga Suuriya

Qaramada Midoobay ayaa cambaareeysay weerarkii duqeynta ahaa ee lagu qaaday xero ku taal Suuriya, oo ay ku jireen dad qaxooti ah iyadoo sheegtay in arrintaasi ay noqoneyso dambi dagaal.

Duqeyntaasi ayaa laga cabsi qabaa in ugu yaraan ay ku dhinteen 30-qof, oo isugu jiray caruur iyo haween.

Mar uu la hadlayay BBC ayaa, Mr O’Brien waxa uu sheegay in cidda mas’uuliyadda weerarkaasi leh ay wajahayso cawaaqib xumo.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, Philip Hammond, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad, in uu quursanayo dadaalada ay wadaan beesha caalamka ee lagu joojinayo colaadda dalkaasi.