Puntland oo Saaka ku wajahan Burcad-badeed Markab heysata

TO GO WITH AFP STORY BY JEAN-MARC MOJON A Somali, part armed militia, part pirate, carries his high-caliber weapon on a beach in the central Somali town of Hobyo on August 20, 2010. Hobyo has no schools, no clinics and bad drinking water sources. Fighting a losing battle against the sand that has already completely covered the old Italian port, Hobyo's scattering of rundown houses and shacks looks anything but the nerve centre of an activity threatening global shipping. AFP PHOTO / ROBERTO SCHMIDT (Photo credit should read ROBERTO SCHMIDT/AFP/Getty Images)

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa Maanta lagu wadaa in ay gaaraan degaanka Biyo Cadde oo dhowr KM u jira degmada Caluula Halkaasoo lagu haysto Markab ay soo Afduubteen Kooxo degaanka ah.

Gudoomiyaha Degmada Caluula Cali Shire Cismaan ayaa sheegay in ay tagayaan goobta Markabka lagu haysto ,islamarkaana ay lahadli doonaan kooxaha haysta Markabka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Kooxaha Markabka haysta ay la furi doonaan Wada hadal.

In ka badan Afartan Dhalinyaro ah oo hubeysan ayaa la sheegay in ay Markabka heystaan ,islamarkaana ay adag tahay in si fudud loogu tago.

Kooxda Markabka heysta ayaa isugu jira Kalluumeysato iyo sidoo kale Burcad Badeed hore.