Kalkaaliso caafimaad oo reer Israa’iil ah ayaa dhimatay ka dib markii nin bukaan ah uu dab ku qabadsiiyay magaalada Holon oo ku taalla Koonfurta Tel Aviv.
Tova Kararo oo 56 sano jir ah ayaa dareere dabku durba qabsado lagu shubay dabna la qabadsiiyay ka dib markii uu muran dhex maray bukaan aan ku qanacsanayn adeegga la siinayo, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska.
Ninka laga shakisan yahay oo da’da todobaaatameeyada ku jirto ayaa isaga cararay goobtii laakiin markii dambe ayaa la soo qabtay.
Shaqaalaha caafimaadka ee Israa’iil ayaa qorshaynaya in ay shaqo joojin labo saac ah ku dhaqaaqaan Arbacada si ay u muujiyaan walaaca ay ka qabaan dhibaatooyinka ka soo gaara xirfadooda.
Warbaaahin badan oo Israa’iil laga leeyahay ayaa ku warramaya in qofka dilka gaystay uu ka mid yahay dadkii ka badbaaday dagaalkii holocaust uuna qabay xanuunno dhanka dhimirka ah



