Mo Faarax Muxuu ka yiri Abaaraha Soomaaliya ka jira?

Ninka Orodka ku caan baxay ee Asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ,laakiin haysata Dhalashada dalka Ingiriiska ayaa ku baaqay in si deg deg loo taageero dadka ay Saameeyeen Abaaraha  ee ku sugan ee Geeska Afrika .

Muuqaal laga baahiyay BBC-da, ITV, Channel 4, Channel 5 ayuu ku taageeray dadaalada ay wadaan hay’adaha Gargaarka ee loogu tala galay in loogu Gurmado dadka Soomaaliyeed,Asagoona sheegay in uu lacago badan ku taageeri doono dadka dhibaateysan.

“Waxaana Bixin doonaa Dhaqaalo badan oo loogu tala galay Carruurta ay Saameeyeen Abaaraha ee ku sugan Soomaaliya dadka dunida waxaana ugu baaqaya in ay feejignaadaan oo ay Muujiyaan dadaal badan” ayuu yiri Mo Faarax.

Mo Faarax ayaa sidoo kale sheegay ” Waxaan ku dhashay Soomaaliya waxaa qalbigeyga Xanuujinaaya dhibaatada haysata Qoyska Soomaaliyeed.

Hadalkaan kasoo baxay Mo Faarax ayaa waxaa uu kusoo beegmaya Xilli Abaaraha ka jira Soomaaliya ay gaareen Heerkii ugu Sareysay ,islamarkaana hay’adaha Gargaarka ay sheegayaan in dadka Soomaaliyeed 50% ay u baahan yihiin Gargaar.