Matabaan-RisaalaFM- Xilli guud ahaan ay dalka ka jirto Abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, hadana Gobolada Dhexe waa qeyb ka mid ah meelaha ay aadka u saameysay Abaarta xilligan ka jirta Soomaaliya.
Dad ka soo hayaamaya Gobolada Bari, Mudug iyo Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay gaareen Degaano hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Dadkan ayaa la gaarsiiyay deeq isugu jirta Bur, Bariis iyo Sonkor, kuwaas oo laga soo uruuriyay dad walaalahooda ah, waxaana Deeqdaas loo wakiishay in ay gaarsiiyaan qaar ka mid ah waxgaradka Degmada.
Qaar ka mid ah dadkii la gaarsiiyay gar gaarkan ayaa ka mahadceliyay, waxayna sidoo kale baaq u direen Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, maadaama weli ay ka muuqato saameynta Abaarta.



