Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey ayaa Maanta kulan kula qaatay Magaalada Garoowe xubnaha Aqalka Sare u matali doono Puntland oo uu ka mid yahay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in xubnahaani ay dirsatay Puntland looga baahan yahay in ay soo dhiciyaan xuquuqda ay leeyihiin shacabka kunool deegaanada maamulka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha looga baahan yahay in ay ka warqabaan deegaanadii laga Soo doortay.
Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa kula dardaarmay xubnahaasi in ay kasoo baxaan shaqadii loo idmaday.



