Qaramada Midoobey iyo hay’ad caalami ah ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Suuriya ay sun halis ah u adeegsadeen dagaalka ay kula jiro kooxaha mucaaradka.
Waxaa warbixintan lagu sheegay in deegaanada la bartilmaameedsaday ay ka mid yihiin Qmenas oo Idlib ku taala.
Sanadkii la soo dhaafay waxaa jirtay in baarayaal caalami ah ay sheegeen in la helay diyaarad riday fuustooyin ay ku jiraan sunta Chlorine-ka oo adeegsigeeda mabnuuc ka ah caalamka.
Isla sanadkii hore dowlada Suuriya waxaa lagu eedeeyey isticmaalka suntaasi Chlorine-ka.
Sidoo kale kooxda khilaafada Islaamka ayaa Iyana lagu eedeeyey isticmaalka hubka kiimikada.


