Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta kulan ka tirsan Tartanka maamul goboleedyada Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium ku cayaaray kooxaha Puntland iyo Koonfur Galbeed.
kulanka oo ahaa mid aad uxiiso badan ayaa waxa ay labada kooxoodba doonayeen midba mida kale in ay guul ka gaarto.
Kooxda Koonfur Galbeed ayaa waxa ay galabta ciyaartay kulankeedii Labaad ee Tartanka maamul goboleedyada dalka halka kooxda Puntland ay galabta ciyaartay kulnkeedii koowaad ee tartankan.
Taageerayaasha Labada dhinac ayaa galabta waxa ay soo xaadireen Garoonka ciyaarta ay ka dhaceysay iyagoo sitay Calamada Labada kooxood, waxaana ay u kala sacba tumayeen labada dhinac.
Kooxda Puntland ayaa goolasha ku horeysay waxaana Koonfur Galbeed ciyaarta qeybtii hore lagu marsiiyay 3 iyo 0, iyadoo markii dib la isugu soo laabta sidoo kale Puntland ay la timid Gool kale, waxaana ugu dambeyn ciyaarta ay ku soo idlaatay 4 iyo 0.
Kooxda Koonfur Galbeed ayaa gabi ahaan waxa ay isaga hartay Tartanka kubada cagta maamul goboleedyada, waxaana ciyaartoyda Koonfur Galbeed ay ku laaban doonaan magaalooyinkooda maadaama ay isaga hareen tartanka.
Maalinta beri ah waxaa ciyaaraya kooxaha Jubbaland iyo Galmudug, iyadoo kooxda Jubbaland ay horey kulankeedii koowaad guuldaro ugala soo kulantay kooxda Hiiraan, Shabeelaha Dhexe ciyaar ku soo idlaatay 2 iyo 1, halka Galmudug ay ciyaari doonto kulankeedii ugu horeeyay.


