Hargeysa-RisaalaFM- Magaalada Hargeysa waxaa galabta ku geeriyooday Allaha u naxariistee fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Shay Mire Dacar.
Waxaa geerida fanaanka Shay Mire Dacar u xaqiijiyay BBC walaakiis Caabi Mire Dacar oo isna fanaan ah.
Waxa uu sheegay in mudo ah in uu jiifay Shay Mire Dacar gurigiisa oo magaalada Hargeysa ku yaalla.
Shay Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada ceerigaabo sanadihii sideetameeyadii, kadibna waxa uu ugudbay magaalada Boosaaso.
Intii dambe waxa uu ku noolaa Hargeysa oo uu heeso iyo bandhig faneedyo badan ku sameeyay oo qaarkood uu ilaa London kaga qayb galay todobaadka Soomaalida.


