Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo hadallo la xiriira midnimada iyo wadajirka Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo yeerayaan saraakiisha ciidamada.
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), ayaa digniin adag u diray shaqsiyaadka uu ku eedeeyay inay isku dayayaan burburinta iyo kala qeybinta ciidamada, isaga oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin tallaabooyinka lagu wiiqayo hay’adaha amniga dalka.
Taliyaha ayaa sheegay in tabashooyinka siyaasadeed ee jira aysan sabab u noqon karin in la burburiyo ciidanka qaranka, isagoo xusay in dowladda aan la dumin karin, isla markaana aan la aqbali karin in ciidanka loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed.
“Waa nala og yahay tabashooyinka jira, balse dowladda dumin meyno. Ciidanka in la kala furfuro leysma qabadsii karo, mana laga hari doono cid kasta oo arrintaas ku howlan,” ayuu yiri Cali Cagey.
Wuxuu intaas ku daray in shaqsiyaadka uu ku eedeeyay inay cadawga la shaqeeyaan, isla markaana ay ku dhex dhuuntaan dadka tabashooyinka qaba, la soo bandhigi doono, caddeymahana loo gudbin doono cidda ay khuseyso.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada Beledweyne ay ka taagan tahay xiisad amni iyo mid siyaasadeed oo la xiriirta khilaafka maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah hoggaanka dhaqanka iyo bulshada gobolka Hiiraan.




