Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Aljazeera kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, amniga dalka iyo muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay dalalka ku yaalla Geeska Afrika.
Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya oo hesha amni iyo xasillooni aysan faa’iido u ahayn oo keliya shacabka Soomaaliyeed, balse ay dan weyn ugu jirto guud ahaan dalalka Afrika, gaar ahaan dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya.
Wasiiru-dowlaha ayaa tilmaamay in amniga Soomaaliya iyo kan dalalka deriska ah ay yihiin kuwo isku xiran, isla markaana xaalad kasta oo amni oo ka dhacda Soomaaliya ay saameyn ku yeelan karto dalalka kale ee gobolka.
Wuxuu xusay in Soomaaliya ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah gobolka Geeska Afrika, taas oo ka dhigaysa in xasilloonida dalka ay muhiim u tahay iskaashiga amniga, ganacsiga iyo xiriirka dalalka gobolka.
Cali Balcad ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dalalka deriska la ah Soomaaliya ay dan weyn ka leeyihiin in dalka uu helo nabad waarta, maadaama amniga iyo xasilloonidu ay abuuraan fursado iskaashi oo dhinacyo badan leh.
Dhanka kale, wasiiru-dowlaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka ay iska kaashadaan wax ka qabashada caqabadaha amni ee ka jira Geeska Afrika, isagoo muujiyay in wada-shaqeynta dalalka deriska ah ay muhiim u tahay xaqiijinta nabad iyo xasillooni waarta.
Hadallada Cali Balcad ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dadaallo ugu jirto xoojinta amniga gudaha, dhismaha hay’adaha dowladda iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka gobolka iyo beesha caalamka.
Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa ah dalal ay ka dhexeeyaan xiriir juqraafi, ganacsi, amni iyo bulsho, iyadoo xaaladaha ka dhaca mid kasta oo ka mid ah dalalkaasi ay saameyn ku yeelan karaan xiriirka iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Wasiiru-dowlaha ayaa ugu dambeyn ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay noqoto dal amni ah oo xasilloon, taas oo faa’iido u noqonaysa shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka kale ee Afrika.



