Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa kulan la yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta Urur-goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare, kaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo gobolka, iyadoo la isla soo qaaday doorka IGAD ee horumarinta nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka gobolka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Turkiga iyo IGAD, gaar ahaan dhinacyada ay labada dhinac danaha wadajirka ah ka leeyihiin.
Danjire Ferhat Alkan ayaa Maxamed Cabdi Waare uga mahadceliyay booqashadiisa iyo wada-hadalkii miro-dhalka ahaa.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay socdaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo iskaashiga gobolka iyo doorka hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya.



