Deg Deg: Dagaal udhaxeeya AMISOM iyo Shabaab oo ka socda Qoryooley

Qoryooley-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Qoryooley.

Al-shabaab ayaa markii ay la wareegeen deegaankaasi waxaa weerar ku qaaday ciianka AMISOM.

Waxaana ilaa iyo hada magaalada Qoryooley ka socda dagaal udhaxeeya ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab.

Goob jooge la hadlay Risalaa ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay weerar ku soo qaadeen Al-shabaab oo galabta la wareegay magaalada Qoryooley, iyadoo sidoo kalena uu sheegay goob joogaha in ilaa iyo hada uu dagaalka socdo.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaal udhaxeeya ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ee ka socda magaalada Qoryooley.