Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Garoonka degmada C/casiis ku yaala ee Banaadir Stadium ku balansan maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed, waxaana kulanka uu yahay mid aad u xiiso badan.
Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya ilaa 6 kooxood oo ka socda maamul goboleedyada dalka ka jira.
Labada kooxood ee galabta ciyaaraya ee Puntland iyo Koonfur Galbeed kabtanadooda oo aan goor dhow la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihiin kulankan.
Tartankan ciyaaraha kubada cagta ee maamul goboleedyada dalka ayaa waxa uu bilowday Todobaadkan, iyadoo kulankii ugu horeeyay ay guul gaartay Banaadir.
Koonfur Galbeed ayaa galabta ciyaareysa kulankeedii Labaad ee tartankan, iyadoo guuldaro la soo kulantay kulankii Koowaad, halka Puntland ay ciyaareyso galabta kulankeedii ugu horeeyay ee Tartankan.
Ciyaarta ayaa Garoonka Banaadir Stadium ee magaalada Muqdisho ka bilaaban doonta saacadu marka ay tahay 04:00 Galabnimo.


