Daawo: Mas’uuliyiin ka tirsan oo Galmudug oo Aas Qaran loo sameeyay

Gaalkacyo-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo Aas Qaran loogu sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug kadib markii ay ku geeryoodeen shil Gaari oo ka dhacay deegaanka Sadex Higle oo ka tirsan gobolka Mudug.

Allaha u naxariistee Mas’uuliyiinta maanta Aaska Qaran loo sameeyay ayaa waxa ay ahaayeen Labo Wasiir Dowle iyo Nabadoon Caan ka ahaa Galmudug oo xalay ku Geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Saddex Higle.

Aaska Qaran ee maanta loo sameeyay Labada Wasiiru dowle ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxwyene ku xigeenkja maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi, Maamulka gobolka Mudug, Ehelada Marxuumiinta, iyo xubno kale.

Labada wasiiru Dowle ee xalay ku geeriyooday shilka Gaari ayaa waxa ay kala ahayeen wasiiru dowlaha Wasarada Howalaha Guud iyo dib u dhiska Aweys Cali saciid Wasiiru dowlaha Maaliyada Galmudug Axmed C/llaahi Diiriye iyo  Nabadoon C/laahi Yuusuf Guuleed oo caan ka ah Galmudug.

G1 G2 G4 G6 G5