Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay heshiis ku gaareen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.
Heshiiskaan ayaa ka dhacay Magaalada Cadaado, waxaana ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay in la saameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqeyn doona Ammaanka Gaalkacyo.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in ay ka go’an tahay in lasoo Afjaro Colaada ka taagan gobolka Mudug.
Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa goobjoog ka ahaa heshiiska ay gaareen labada Madaxweyne.
Madaxweynaha Puntland ayaa shalay soo gaaray Magaalada Cadaado , isagoona xalay ku hoyday Magaaladaasi.



