Waxaa galabta kulan ka tirsan Tartanka maamul goboleedyada Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium ku cayaaray kooxaha Banaadir iyo Puntland.
kulanka oo ahaa mid aad uxiiso badan ayaa waxa ay labada kooxoodba doonayeen midba mida kale in ay guul ka gaarto.
Kooxaha Banaadir iyo Puntland ayaa waxa ay galabta ciyaartay kulankeedii Labaad ee Tartanka maamul goboleedyada dalka
Taageerayaasha Labada dhinac ayaa galabta waxa ay soo xaadireen Garoonka ciyaarta ay ka dhaceysay iyagoo sitay Calamada Labada kooxood, waxaana ay u kala sacba tumayeen labada dhinac.
Cayaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa ugu dambeyntii waxay kusoo dhamaatay bar baro 2 iyo 2


