Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay qaliin lagu sameeyay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay arintaasi, isagoona sheegay in madaxweynaha Galmudug uu howlo caafimaad u gaaray magaalada New Delhi ee dalka India,uuna galay qaliin qaatay 1 saac xaaladiisa caafimaadna hada ay wanaagsan tahay.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in xaalada madaxweynaha Galmudug Cabdikariin ay tahay mid wanaagsan ,islamarkaana lagu wado in maalmaha soo socda uu soo gaaro magaalada cadaado.
Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in ay Gaalkacyo kula kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada.


