Pierre-Emerick Aubameyang ayaa-iska tuuray xiisaha ay u qabaan Manchester United iyo Arsenal oo rajo kalahaa in ay lasoo wareegaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Xiddiga caalamiga ah ee Gabon ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Borussia Dortmund kuna biirayo kooxaha ka dhisan Premier League oo kujiray dagaal weeraryahanka.
Laakiin Aubameyang, oo 26 jir ah, ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn ka dhaqaaqista Bundesliga.
Aubameyang ayaa yiri: “Dortmund waa magaalo gebi ahaanba ku waalan kubada cagta.
“Sanadihii la soo dhaafay, waxaan heysanay taageerayaasha ugu badan Europe, Magaaladan waa amaan qoyskeyga ayaa dareensan in ay tahay gurigooda.
“Waxaan marnaba qarsoodi aheyn jaceylka aan u qabo u ciyaarista Real Madrid, laakiin waxaan sidoo kale kula jiraa BVB heshiis ilaa 2020 ayuu yiri weeraryahankan.


