Kaarar aqoonsi ah oo bixintooda laga bilaabayo magaalada Muqdisho

Dowladda hoose ee Xamar ayaa bilaabaysa bixinta kaarka aqoonsiga Soomaalinimada ee loo yaqaan Teestara Munishiibiyo, oo la siin doono dadka degan magaalada muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in adeegan uu yahay mid ka mid ah adeegyada looga baahan yahay dowladda hoose ee Xamar inay qabato, waxaana uu sheegay in arrintan ay billaaban doonto bisha April ee foodda nagu soo haysaa.

Kaarka dadka la siinayo, ayuu gudoomiyuhu sheegay, inuu noqon doono mid aan dhicin weligiis, oo qofka qaataa mar aan looga baahneyn inuu dib u cusbooneysiiyo.

Yuusuf Xuseen Jimcale ayaa shaaca ka qaaday in kaararka laga bixin doono degmooyinka, ayada oo marka hore lagu billlabi doono dhowr degmo, kadibna magaalada oo dhan la gaarsiin doono.