Pep Guardiola oo balan qaaday in uu xalin doono dhibaatada Man City

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday inuu kasoo kabsan doono maxaabiisnimada kooxdiisa oo guul la’aan ah.

macalinka reer Catalan ayaa kulamadii ugu danbeyay laba barbaro oo Premier League ah galay, iyadoo sidoo kale guul darro 4-0 kala kulmay kooxda Barcelona.

City waxaa goolka barbaraha u dhaliyay Kelechi Iheanacho kulankii Southampton ay wajaheen shalay.

Guardiola ayaa aaminsan in xidigihiisa ay heli doonan qaab ciyaareed wanaagsan, si ay ugu tartamaan Horyaalka Premier League.

Waa in aan hadda ka fakirnaa awooda kooxdeena si aan dib ugu soo laabano wadad guusha ayuu yiri Pep Guardiola oo saxaafada la hadlayay.