Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa ka hadlay guuldarada xanuunka badneyd ee xalay kasoo gaartay kooxda Chelsea.
Macalinka reer Potugal ayaa sheegay in istaraatijiyada uu la yimid garoonka ay aheyd mid adag, laakiin goolal si qaldan looga dhaliyay ay niyad jabiyeen ciyaartooyda bilowgii ciyaarta.
. “Waxaan u imanay halkaan in aan natiijo wanaagsan ka sameyno, ugu yaraan waxaan dooneynay in aan wax badan ka bedelno garoonka markii ay ciyaaart aheyd 1-0, laakiin kan labaad iyo sadexaad ayaa lahaa niyad jabka ugu weyn ee kooxda.
“Waa mid ka mid ah maalmihii ugu xumaa nolosheyda kubadda cagta, laakiin waxaan sameyn doonaaa isbedelo kulamada soosocda.
“Marka la eego dhibcood qaab aan u ciyaarnay ma aheyn kuwo xun, laakiin waxaa jiray goolal si fudu nooga dhashay kuwasoo niyad jab ku ahaa kooxdeyda ayuu yiri Mourrinho.


