Pato oo ciyaari doona kulankiisii ugu horeeyay ee Chelsea

Alexandre Pato ayaa markii ugu horeysay usafan doona Chelsea — kadib labo bilood oo uu ku qaatay Stamford Bridge.

Weeraryahanka reer Brazil  Pato ayaa ku guul dareystay inuu hal kulan xataa safto kadib imaashihiisii layaabka lahaa ee Chelsea.

Chelsea ayaa sabtida la ciyaareysa naadiga Aston Villa, sidaas waxaa xaqiijiyay macalin Guus Hiddink.

Hiddink ayaa yiri: “Miyuu kulankan saameyn ku yeelan doonaa?, waan arki doonaa beri haatan 8 kulan ayaa inoo dhiman, laakiin ma jiraan ciyaaro badan oo ay tahay in la dheelo”.

“Si adag ayuu ushaqeeyay xiligii qaramada loo maqnaa, waxaan isku dayay isaga cadaalad usameeyo, sidoo kale waxaa fursad heli kara Bertrand Traore”.