DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya “sarkaal Al-shabaab ah ayaan dilnay”

General Cali baashi Amaan-duulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in hawl-galkii xalay ee Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen Sh/Hoose Hoose ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabijiray Xasan Cali Dhoore oo Kooxdaasi u qaabilsanaa amniyaadka, iyo kuwo kale oo la socday.

Sarkaalkan ayaa waxaa horay madaxdiisa lacag u duldhigtay dowladda Soomaaliya,wuxuuna madax ka ahaa qaybta amniyaadka ee Al-shabaab oo ah kuwo fuliyay dilalka qorshaysan.

Sarkaalkan ayaa ah kii labaad oo maalmo kooban gudahood ay ay ciidamada dowladda ka fuliyeen Shabeellaha hoose.