mustaqbalka Jose Rodriguez ee garoonka Santiago Bernabeu ayaa shaki badan uu soo galay ka dib markii kooxdiisa dib usoo iibsatay Alvaro Morata,
Real Madrid ayaa sidookale hore waxaa ugu sugnaa seddexda ciyaaryahan ee Gareth Bale, Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo, kuwasoo loo yaqaano BBC.
Ciyaaryahanka reer Spain ayaa kala hadli doona maamulka Real Madrid sidii uu kaga tagi lahaa kooxdiisa oo aanu ka heli doonin wax boos joogta ah,.
Tababaraha kooxda Los Blancos Zinedine Zidane ayaa kula taliyay 23-sano jirkaan in uu raadsado koox cusub si uu mustaqbalkiisa kubadda cagta heer kaga gaaro.
Waa xaalad adag, “ayuu yiri Zidane. “In xulka waa weyn boos uu ka helaa waqtigaan , tusaale ahaan waxaa jiray ciyaartooy badan oo ka tagay koox kuwasoo dib loosoo iibsaday markii ay isku muujiyeen kooxo kale sida Morata, Lucas iyo Dani Carvajal, “ayuu yiri Zidane.
Jese oo kooxda koowaad ee Madrid soo galay 2011 markii uu ka yimid Academy kooxda inta ayaa dhaliyay 13 gool 50 kulan oo horyaalka uu usaftay ilaa hadda kooxdiisa.
Wuxuu ka mid yahay weeraryahanada laga doon doonayo suuqa kala iibsiga waqtigaan iyadoo kooxaha Arsena, Chelsea hore dalabyo ay ugu direen.
Lakiin waxaa maanta dalabkiisa ku biirtay kooxda PSG ee dalka France.


