War kasoo baxay Ururka ONLF ayaa lagu faahfaahiyay heshiiska ay la galeen Dowladda Fedraalka Itoobiya dhamaadkii sanadkii 2018-ka xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Jabhadda hubka laga dhigi doono.
Warka ayaa lagu sheegay in heshiiska aysan qeyb ka aheyn in hubka laga dhigo jabhadda ONLF.
“Wadahadalladii iyo heshiiski Jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya ay wada galen inuu ka mid ahaa in ciidamada Jabhaddu ay ka mid noqdaan ciidamada amniga ee degaanka Ciidamada Jabhadda iyo kuwa deegaanka sababta loo mideynayana ay tahay si nabadda iyo xasiloonida dalka loo wada ilaaliyo.” ayaa lagu sheegay warka.
Jabhadda oo ay ka go’an tahay meel marinta heshiiska ay la gashay dowladda Itoobiya mideynta ciidamadana waxaa ku howlan ayuu yiri “guddi isku dhaf ah laguna wado hab wada tashi ah lagana ilaaliyo wax kasta oo meel marinta heshiiskaasi wax u dhimayo”.



