Maalmihii u dambeeyay dalka Jabuuti waxaa ka socday Ololaha doorashada dalkaasi sidii loo qaban lahaa.
Doorashada dalka Jabuuti oo dhaceysa maalinta Jimcaha ah ayaa waxaa ku loolamaya 6 musharax oo uu ku jiro madaxweynaha haatan xilka haya.
Dowladda Djibouti ayaa waxa ay sheegtay in ololihi doorashada madaxweynaha u soo xirmay xalay saqdii dhexe, sida uu qabo sharciga doorashada.
Waxaana dhanka kale ay tilmaamtay in ay sharciga lala tiigsan doonaan cidii u hogaansami weysa waqtiga dhamaadka ololaha.
Doorashada Djibouti ayaa waxaa ku loolamaya 6 musharax oo uu ku jiro madaxweynaha iminka talada haya ee Ismaaciil Cumar Geelle.


