Allaha u naxariistee waxaa Magaalada Beledweyne lagu dilay Sharmaarke Muuse Saxan-diid oo kamid ahaa Dhalinyarada Xaafada Howl-wadaag.
Dilkiisa waxaa geeystay Walaalkiis ka weyn oo lagu Magacaabo Cabdisalaan Muuse Saxan-diid. Labada wiil ayaa isku Khilaafay Suuli ama Musqul laga dhisayay Guriga qeeyb kamid ah waxaana ugu dambeyn Sababtay in Sharmaarke Goobta lagu dilo. Dilkiisa waxaa u Adeeg saday Birtii Musqusha lagu qodayay.
Ciidamo katirsan Laamaha amniga Magaalada Beledweyne ayaa Gacanta ku dhigay oo xiray Cabdisalaan Muuse Saxan-diid oo walaalkiis dilay.



