Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo maanta bilaabeysa dhageysiga  kiiska Sayid Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta  oo Axad ah bilaabeysa dhageysiga  kiiska dacwada loo heysto  Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Sayid Cali ayaa lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu sababtiisa lahaa.

Warqad ka soo baxday maxkamadda racfaanka gobolka ayaa Taliyaha booliska degmada Xamarweyne lagu faray in maanta uu Sayidcali hor keeno maxkamadda.

Maxkamadda ayaa furmi doonta maanta 9:00 subax nimo AM, waxaana sidoo kale taliyaha booliska degmada Xamarweyne laga dalbaday in maxkamadeynta kadib uu Sayidcali ku celiyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhawaan dil toogasho ah ku xukuntay Sayidcali, kadib markii ay cadeysay in lagu helay dilka xaaskiisii.

Kiiska Sayid cali  ayaa ah kiiskii ugu  cuslaa maxkamadaha gobolka Banaadir la horgeeyay waxana laga war sugayaa Maxamada Racfaanka ee gobolka Banaadir  iyo go’aanka ay ka qaadan  doonto.