Laamaha Amniga KGS oo Hawlgal ka sameeyay Magaalada Baydhabo

Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee ka howlgalo degaanada maamulka Koonfur Galbeed  gar ahaan Qeybta Gobolka Baay  ayaa  Howlgal lagu Xaqiijinayey Amniga Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobalka Baay ka sameeyey nawaaxiga magaalada baydhabo

Howlgalka waxaa si gaar ah looga Sameyey Qaar kamid xaafadaha iyo Wadooyinka Waa weyn ee Magaalada Baydhabo.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa Xilli  Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed  ay Magaalada Baydhabo kusoo bandhigeen  8-Xubnood Oo ka Tirsanaa Alshabaab Oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed sida ay sheegeen saraakiisha Amniga  Magaalada Baydhabo .

Xubnahan isa soo dhiibay ayaa la sheegay in Alshabaab  uqaabilsanayeen a dhanka Jabhadaha iyo Xisbada.

Sidoo kale , Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa labadii Todobaad  ee lasoo dhaafay soo bandhigey ku dhowaad 25 Xubnood Oo kasoo goostay Alshabaab sida Hay’adaha Amniga  Koofurgalbeed  ay  sheegeen.

Hase ‘ahaatee , Talaabadaan  ayaa ku soo aadeysa  Xilli mudooyinkii dambe Magaalada Baydhbo ee xarunta gobolka Baay iyo degaanada kale ee hoostaga uu ka socday Hawlgalo ka dhan ah Alshabaab .