Ninka isku sawiray afduube diyaarada egyptair oo xiran wax u eg suunka la isku qarxiyo ayaa sheegay inu isku dayayay inuu si fiican u fiiriyo suunka.
Sawirka Ben Innes, oo isaga oo qoslaya la taagan afduubaha diyaarada Egyptair ayaa aad looga daawaday baraha bulshada.
Mr Innes, oo Aberdeen degan ayaa u sheegay wargayska Sun, inuu rabay inuu faraxsanaado iyadoo dhib lagu jiro.
Ninka diyaarada afduubay, oo ku qasbay diyaarada inay ku dagto Cyprus ayaa la xiray, suunka la isku qarxiyana wuxuu noqday mid been ah.
Mr Innes oo ka yimid Leeds, ayaa diyaarada Airbaus A320 saarnaaa talaadadii shay markii nin ay masuuliyiinta Cyprus ku magaacaabeen Seif Eldin Mustafa , uu ku hanjabay inuu diyaarada qarxinayo.
Xigasho BBC