Nin Hubeysan oo toogtay Shan qof

Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa sheegay in nin hubeysan oo ka carooday Shaqo joojin lagu sameeyay uu toogasho ku dilay in ka badan 5 qof oo goobtii laga cayriyay ka shaqeynaysay.

Sidoo kale ninkaasi ayaa goor dhow dambe is dilin sida ay xaqiijiyeen laamaha Ammaanka.

John Robert Neumann oo 45 jir ah oo ku hubaysan qori iyo mindi ayaa galay xarummo ganacsi oo ka agdhaw Orlando, Florida.

Askarigan hore ayaa shaqada laga eryay bishii Abriil, sida ay booliisku sheegeen.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay baddankood waxaa laga toogtay madaxa, qaarkoodna dhawr xabbadood ayuu ku dhuftay.

Sheriff Demings oo ah madaxa booliiska Orange County ayaa sheegay in uu gaar u socdeen dadka uu toogtay.

Dadka madaxa laga toogtay waxaa ka mid ah Robert Snyder oo 69 jir ah, Brenda Montanez-Crespo oo 44 jir ah, Kevin Clark oo 53 jir ah, Jeffrey Roberts oo 57 jir ah iyo nin kale oo aan la aqoonsanin.