Ninkaan hubeysan ayaa Maanta waxa uu weerar ku qaaday Xarun dhaqan celin oo ku taalla Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud,waxaana la sheegay in uu halkaasi ku dilay Maamulihii Xaruntaas,sidoo kalena ruux kale uu dhaawacay.
Maamulaha Xaruntaas ee weerarka ku dhintay ayaa waxa lagu Magacaabi jiray Macalin Cabdi fitaax oo sidoo kale ahaa Aas’aasaha Xaruntaas,sida ay Risaala u sheegeen dad ku sugan Magalada Cadaado,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug,iyaga oo gacanta ku dhigay ninkii falkaasi geystay.
Qofkii weerarkaas ku dhaawacmay oo ka mid ahaa ilaalada Xarunta Dhaqan celinta ayaa la geeyay mid ka mid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Ilaa iyo hadda wax war ah weerarkaasi kama soo saarin laamaha amniga Dowlad goboleedka Galmudug,waxaana dhacdadaaas aad Maanta aad looga hadal haayaa Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.


