Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta duhurnimadii ku toogtay Muqdisho ruux la sheegay in uu watay Bistoolad uuna doonayay in uu risaas ku furo askari.
Ninka la toogtay ayaa waxa uu Bistoolada uu watay ay ugu jirtay Bac nuuceedu ahaa kuwa Faashiyoonka loo garan ogyahay, waxaana toogtay askari kamid ah ciidamada ammaanka Soomaaliya xili uu ku howlanaa toogashada aksari kale.
Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacday agagaarka taalada Daljirka Daahsoon, waxaana la sheegay in mid kamid ah askarta gaadiidka ku baarta halkaasi oo shaqadiisa watay uu ku sigtay in la dilo, balse uu badbaadiyay askari kale.
Meydka ninka la dilay ee Bistoolada watay ayaa waxaa la geeyay xarunta CID’da, waxaana la bogaadiyay askariga toogtay ninkaani oo lagu amaanay sida uu u badbaadiyay askariga kale ee la dili rabay.


