Somaliland oo musaafurineyso Dhaqaatiir Ajaanib ah

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay musaafurinayaan Dhaqaatiir Ajaanib ah oo sifo aan sharciga waafaqsaneyn kaga shaqeysanayaay deeganada Somaliland.

Axmed Xaashi Oday waa gudoomiyaha ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland waxa uu warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa waxa uuna sheegay in muddo bil gudaheed ah ay Somaliland kaga musaafurinayaan dhaqaatiirta sharciga aan u heysan in ay ka shaqeeyaan Somaliland iyo kuwa uu sharciga ka dhacay.

“Inagaa markii hore codsanay oo Wasiirka Caafimaadka iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsanay in dalka laga saaro dhaqaatiirta sharci darada kaga shaqeeya Somaliland, ugu dambeyna Madaxweynaha iyo wasiirka Caafimaadkaba way inoo saxiixeen in Somaliland laga musaafuriyo dhaqaatiirtaan ajaanibta ah ee gaaraya 113, waxaana ay heystaan mudo bil ah in ay Somaliland kaga baxaan” ayuu sheegay gudoomiyaha ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Axmed Xaashi Oday.

Dhawaanahaan geeska Afrika waxaa kusoo badanaayay dhaqaatiirta ajaanibta ah, kuwaasi oo qaarkood heysan sharciyad sax ah oo ay ku shaqeystaan.