Neymar,weeraryahanka Barcelona ayaa lagu helay dambi ah inuu isdaba-mariyay lacago canshuuro ah oo ay waajib ku ahayed inuu bixiyo.
Waxaa waajib looga dhiggay inuu dib u bixiyo qarashkii uu qiyaaamay,isagoo waliba ku daraya qiimaha muddadaasi ku darsamay lacagta.
Sida ay warbixintu sheegeyso, 24 jirkan Barcelona ayaa laga doonayaa inuu bixiyo $188.8 million oo u dhiggaanta (€45m) .Neymar ayaa loo oggolyahay inuu Racfaan ka qaadan karo kiiskan.


