Kubad sameeyaha kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa ugu yeeray ciyaaryahanada ay isku kooxda yihiin iney udagaalamaan horyaalka kadib markii laga soo reebay Champions League-ka iyo FA Cup-ka.
Arsenal ayaa guuldaro kala soo kulantay Watford kulankii FA Cup-ka halka ay Barcelona kasoo saartay Champions League-ka.
Wiilasha macalin Arsene Wenger ayaa 11 dhibcood ka hooseeya kooxa hogaanka haysa ee Leicester iyadoo kulamo yar ay horyaalka ka harsan yihiin, waxa kaliya ee ay xili ciyaareedkan qaadi karaan ayaase ah horyaalka.
“Waa inaan haatan diirada saarnaa o aan wax walba sameynaa oo aan udagaalanaa horyaalka,” Ozil ayaa sidaas usheegay website-ka Arsenal.
“Waan ogahay kooxaha waxaa ay udagaalami doonaan sidii ay dhibcaha inooga qaadan lahaayeen, marka kulan walba waa mid adag, waa inaan ushaqeynaa si adag.”ayuu hadalkiisa ku daray xidiga reer Germani.
Kooxda Arsenal ayaa sabtida xili hore la ciyaareysa naadiga Everton, waana kulan adag oo sugaya wiilasha macalin Arsene Wenger.


