Natiijooyinkii Kullamadii Xalay UCL-ga laga ciyaaray

Liverpool ayaa barbaro la gashay kooxda Bayern Munich kulan katirsanaa lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Ciyaartii ka dhacday Anfield ayaa kusoo dhamaatay barbaro 0-0 ah, inkastoo labada dhinac ay iska qasaariyeen fursado qaali ah.

Kooxda martida loo ahaa ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican, iyadoo fursado badan ku qasaarisay goolka hortiisa.

Sadio Mane ayaa seegay fursad weyn qeybtii hore ee ciyaarta, taasoo keentay in kulanku uu ku dhamaaado 0-0.

Lugta labaad ayaa ka dhici ddoonta garoonka Allianz Arena 13ka Maarso.

Dhinaca kale Barcelona ayaa barbaro la gashay kooxda Lyon kulan kale oo ka tirsanaa wareeega 16ka Champions League.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-0, waxcaana lugta labaad ay ka dhici doontaa Spain bisha soo aadan.