Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa saakay waxaa ciidam ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay Bartamaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Khasaaro ayaa la soo werinayaa in qaraxaasi uu kasoo gaaray Ciidamada Itoobiya,waxaana sidoo kale ciidamadu qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan.
Dad ku sugan Baardheere ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay hakiyeen isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee degmada Baardheere,isla markaana taasi ay saameyn weyn ku yeelatay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas,iyaga oo sheegay in cidamada Itoobiya khasaaro ku gaarsiiyeen qaraxaas,wallow saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo Maamulka degmada Baardheere aysan weli wax faah faahin ah ka bixin.



