Natiijooyinka kulamada shanaad ee Premier League

Liverpool ayaa shan kulan oo xiriir ah ku guuleysatay Premier League xili ciyaareedkaan markii ay 2-1 kaga badisay Tottenham garoonka Wembley.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigtay kulankii ay wajaheen kooxda tababare Mauricio Pochettino ee Spurs.

Georginio Wijnaldum iyo Roberto Firmino ayaa Liverpool u dhaliyay laba gool ka hor inta Erik Lamela gool indho qabad leh uusan ku barbareyn.

Chelsea ayaa sidoo kale xaqiisatay inay sii heysato hogtanaka sare ee Premier League, iyadoo Eden Hazard seddexleey ku fidiyay shabaqa Cardiff City kulan Bules 4-1 ku badiyeen.

Arsenal ayaa 2-0 ku garaacday Newcastle, halka Manchester City ay 3-0 kaga badisay kooxda dhawaan soo dalacday ee Fulham.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso natiijooyinkii kulamadii shanaad ee Premier League

Tottenham 1-2 Liverpool

Chelsea 4-1 Cardiff

Newcastle 1-2 Arsenal

Man City 3-0 Fulham

Bournemouth 4-2 Leicester

Huddersfield 0-1 Crystal Palace

Watford 1-2 Man United