Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo la filayo waqtiyada soo socda in lagu dhawaaqo

Hargeysa-RisaalaFM- Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland, iyadoo Guddiga doorashooyinka la filayo in uu ku dhawaaqo natiijada, taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo.

Wuxuu sheegay Guddiga Doorashada in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey, wuxuuna intaasi ku daray in saacadaha soo socda ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Waxaa si weyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada, Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada, balse maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga Wadani uu eedeymo u jeediyay Guggiga doorashada.