DHAGEYSO: Dad Amni daro ka waday Boosaaso oo la qabtay

Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen dad ka shaqeynaayay Amni daradda Magaalada Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen 8 nin iyo Afar dumar ah oo lagu eedeeyay inĀ  ay qeyb ka yihiin dadka Amnidarada ka wadda Boosaaso.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaasi dhawaan ay horkeeni doonaan warbaahinta.

Dadka ay hayaan ayuu sheegay in ay ku jiraan Nabaddoono iyo sidoo kale dad laga yaqaano Magaalada Boosaaso.

Waceys ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay diyaar u yihiin in cidkaste ay hesho Caddaalad ayna diyaar u yihiin in ay qanciyaan qofkaste.