Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre iyo Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha shacabka Maxamed Barre ayaa deegaanka Lambar konton ee gobolka Sh/Hoose ayaa Degaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelada Hoose ka bilaabay shaqaaqad ka dhalatay is qab qabsi dhul iyo Beer oo maalmahaan ka taagnaa Degaankaasi
Gudoomiyaha Gobolka shabeelada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji uu Madaxweyne Lafta gareen uu u diray Xal ka gaarista murunka dhulka ee ka ka jira Lambar Konton oo milkiyadiisa ay dad ay sheegayaan islamarkaana meel Wanaagsan ay wax u marayaan .
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose iyo Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji ayaa kula kulmay Degaanka Lambar Konton ciidamada qaranka iyo kuwa Degaanka ee dagaalka kula jira Alshabaab .
Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji iyo Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre oo meel fagaare ah kula hadlay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Degaankaas ayaa kula dardaarmay inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab , iyagoo uga mahadceliyey sida ay ugu guuleysteen in shacabka Degaanadaas ay gacan siinayaan Ciidamada halkas ku sugan la dagaalanka Alshabaab .



