MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay R/wasaarihii hore ee Somaaliya Saacid.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira latashiyada qaran ee uu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.
Kulamadan ayaa imaanaya xili R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdifaarax Shirdoon Saacid uu kulamo siyaasadeed uu ka wado magaalada Muqdisho, isagoona habeen ka hor la kulmay R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.
Sidoo kale kulamo waxaa uu la qaadanayaa odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kala duwan ee ku sugan Magaalada Muqdisho.