Meydka Faarax Caydiid Jaamac, oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha ka shaqeysa qunsuliyada dowladda Itoobiya ee magaalada Garoowe, ayaa lagu arkay degaanka Goojacadde.
Ninkan oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Laascaanood ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka maqnaa gurigiisa tan iyo xalay, iyadoo la sheegay in hoygiisa lagala baxay, jirdilna loo geystay, kadibna meydkiisa lagu helay deegaanka Goojacadde.
Dilka Faarax Caydiid Jaamac ayaa sii kordhiyay xiisad siyaasadeed oo ka taagan gobolka, iyadoo wararku sheegayaan in xaaladda ay tahay mid kacsan.
Mamaulka SSC-Khaatumo ayaa weli ka hadlin dhacdadan iyo cidda ka dambeysay, inkasta oo la rumeysan yahay in dilka uu yahay mid ku lug leh arrimo siyaasadeed iyo ismaandhaafyo deegaanka.
Waxaa weli adag in la ogaado sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya dilka, balse waxaa jira tuhuno ah in ninkani uu ku lug lahaa arrimo khuseeya isbadallo siyaasadeed iyo xiriirka gobolka ee la leh dowladda Itoobiya.
Dadka deegaanka ayaa muujinaya walwal ku saabsan sida xaaladdan ay u saameyn karto nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka, iyadoo weli aan la helin wax war ah oo rasmi ah oo ka yimid hay’adaha ammaanka iyo maamulka SSC-Khaatumo.



