Muwaadiniin Falastiiniyiin oo la dilay iyo kuwo la dhaawacay

Askarta Yuhuuda waxay Waaberigii hore saakayto oo Isniin ah Hawlgal ballaaran ku qaadeen Xerada Qaxootiga Balatiya oo u dhow magaalladda Nablus ee Daanta Galbeed ee Dhulalka La-haysto ee Reer Falastiin.

Tiro badan oo Askar ah oo adeegsanayo Cagcagafyo ayaa ka qeyb galay Hawlgalkaasi, waxayna dadka Deegaanka kala kulmeen Iska caabin ah, taasi oo ay dhowr Falastiiniyiin ah ku shahiideen.

Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin waxay sheegtay in 3 Falastiini ah la dilay, halka 6 kalena la dhaawacay.

Marxuumiinta lagu dilay Weerarkaasi waxaa lagu kala magacaabi jirey:

1-Maxamed Bilaal Maxamed Zaytuun oo 32 jir ahaa,

2- Fatxi Jihaad C/Salaam Risaaq oo 30 jir ahaa,

3- C/llaahi Yuusuf Maxamed Abu Xamdaan oo 24 jir ahaa.

Goobjoogayaal la hadlay Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA waxay sheegeen in Tacshiirad iyo qaraxyo waa weyn rideen Xerada Qaxootiga,  iyadoo Ciiddanka Shiish-yahanka Saqafka Guryaha ka tooganayee dadka, iyagoo ka hor joogsado Ambalaasta iyo Shaqaalaha Caafimaadka inay soo galaan Xerada, si ay ugu gurmadaan dadka ay Askarta Yuhuuda dhaawaceen.

Askarta Yuhuuda waxay Qarax ku burburiyeen Guri ay lahaayeen Qoyska Shalal, waxaana uu burburka soo gaaray Guriga la beegsaday iyo kuwa deriska la ahaa,  iyadoo ay Gabar yar ku dhaawacantay Qaraxaasi.